|
60. ayaan - 2009-04-16 21:14:39 |
xaqiiqdi waa faa iidooyin aaqiro iyo aduun anfacaya qofkii kafaa iideysta walaalaha iskusoo dabaridayn alaha ka abaal mariyo aamiiiin  |
|
59. ayaan - 2009-04-16 21:14:35 |
xaqiiqdi waa faa iidooyin aaqiro iyo aduun anfacaya qofkii kafaa iideysta walaalaha iskusoo dabaridayn alaha ka abaal mariyo aamiiiin  |
|
58. ayaan - 2009-04-16 21:12:23 |
maasha alaah waa web aad iyo aad uqiimo badan faa iidona leh  |
|
57. Sucaan,, - 2009-04-14 08:26:46 |
Mansha-Allah,,,web aad u fican oo habysan,qurux,cod fican,jzk dad ka sameyay,,,,
sucaad |
|
56. Yahye Hassan - 2009-04-14 00:57:47 |
| Asalaamu aleeykum, salaan kadib walaalayaal aad baad u mahadsantihiin sidda sharafta leh ee aad isugu taxaluu jiseen web-kaan qiimiga weeyn leh, waqtigiinanah aad ooga faa iideeyseen dhamaan umadda ku haddasho luuqadaan aan wax ku qorahayo, waxaan marka le idin leeyahay jazaakumulaahu qeeyr |
|
55. Maxamad Bashiir - 2009-04-11 19:00:32 |
| Mashalaah, webkani waa mid leh tayo aad u wanaagsan oo uu ka faaidaysan karo qof kasta oo muslim ah. |
|
54. naciima - 2009-04-11 14:41:06 |
asc wr wb walalayaal masha laah sida wanagsan ayaad boga u sameyseen laknse baro qoraanka oo kalarada kala duwaan maxaa ku dhacay aniga wey i shaqeyweysaan
barakalaah fiik |
|
53. khaalid - 2009-04-10 15:07:55 |
| shiqow gabar aan qabay mana guri geysan waana kala fagaanay waxa aay joogtaa wadan iga fag ayada waxa aay joogtaa soomaliya anigana yurub muda 4sano ah war kama haya in aay dhimatay iyo in aay nooshahay mana aan kala tagin ma furin waxaasa dhici karto in aay fasaqato ama aay iska guursato aya oo is leh waa uu ku furay maadaama aan qof kii aan xarigeedi heysto suurta gal ma tahay in aan iskugu waco 3 qof oo ah marqaati in aan hortooda ku furo hadey nooshahay intii aay fuydudeysato in aay nin kale guursato saas ma u furi karaa misa waa shuruud in la helo qof dadkeeda kamid ah? |
|
52. khaalid - 2009-04-10 14:51:48 |
| ugu horeytii waxa aan halkaa ka samaamaya culumada noo sameysay wabkaan si aan ugu faa ideysano waxa aan u laheyn aqoonta aan ka wareysano wax aay diinta ka qabto .shiiqoow xaaskeyga aan qabo hadi aay i dhahdo waxa aad ii dhuuqdaa farjigeyga ana ma u dhuuqi karaa oo maxey diinta ka qabta xaraan miyaa misa waa karaahiyo misa waa banaantahay shiiqow.2aad ana ma ii dhuuqi kartaa dakarkeyga shiiqow? |
" target=_blank> 51. Alimuse.com - 2009-03-31 08:32:47 |
Akhristayaasha Sharafta leh waxaan Ogeysiinaynaa: Fadlan Bogani waa Boga MARTIDA, oo aan ugu talo galnay ka Rayi Bixin websitekan oo kaliya. Sidaas daraadeed qofkii raba inuu su’aalo na waydiiyo iyo wixii kale oo dhan fadlan email kan ha nalagasoo xidhiidho.
Su’aashan oo kaliya oo muhiim ah ayaanu halkan kaga jawaabnay, markaas fadlan sidaas ula socda.
Hadii ruux muslim ah uu is Qarxiyo inta isku xiro bambo uuna quluubtiisa ku jirto in uu gaalo ku jihaado taas oo ah waxa uu ah jihaad ee maxaa ka imaankaro qofkaasna ma jihaaday?
Jawaab: Masaladani waxay ka mid tahay kuwa lagu magacaabo Naazilada. waxay muslimiintu aqoon jireen ma ahan in qofka muslimka ahi isagu soo xiro wax qarxiya ama uu baabuur ka soo buuxsado oo uu u qasdo in uu naftiisa dilo asagoo doonaya in uu gaalo dhib gaarsiiyo. Waa Naazilo, Naaziladanna ahlu cilmiga lagu kalsoon yahay waxay ka yiraahdeen waxaasi ma bannaana.
Qofkii isku dhexqarxiya dad muslim ah ama Gaalo wuxuu galay Dambi wayn 4 jeer inta aan xasuusto.
1.Naftiisa oo amaano ku ah ayuu dilay.
2.Dad Ashahaatay oo muslim ah ayuu dilay ama gaalo aan waxba gaysan.
3.Umada Muslimka ah ayuu dhibaato u horseeday.
4.Fitno ayuu abuuray.
Qofku waa in uu ka fiirsadaa waxa uu samaynayo, asagoo janno raadinaya. Haddii waxa uu sameeyay noqdaan qof naftiisa dilay oo uu ku rumoobo, qowlkii Allaah kor ahaaye;
Alle wuxuu na leeyahay; Naftiinna ha dilina Alle waa mid idinka idiin naxariis badane. Qofki sidaa u sameeya xadgudub iyo dulmi, naar baan gelinaynaa, arrintaasina Allaah way u fududdahay. ( Al-Nisaa;29-30)
Haddii lagaa reebay naftaadi inaad disho adoon muslin kale dhib u geysaneyn oo sidaas cadaab ku mutaysanayso, bal ka warran haddii lugu sii daro is dilka aad is dishay inaad muslin kale galaafato. Sidoo kale waxaad halis u tahay inuu kugu rumoobo Xadiiskii Rasuulka S.C.W. ee ahaa;
Qofkii naftiisa bir ku dila birtii buu gacanta ku haysanayaa oo naarta Jahannamo galayaa oo markaasuu calooshiisa mar kasta ku mudayaa birta, qofkii sun cabbaa sidoo kale suntii buu naarta jahannamo ku cabbayaa,
qofkii buur iska soo tuura oo naftiisa sidaas ku dila buurtii buu mar walba iska soo tuurayaa naarta jahannamana saas buu ugu jirayaa. Qofkii naftiisa sirqiya ama neefta isku celiya oo sidaa isku dila sidoo kale ayuu jahannama isugu cadaabaayaa, waxaa aad looga baqaa qofkii suun qarxa isku xira in naarta jahannamo lagu cadaabo, waa arrin aad u khatar badan, adoo janna raadinaya in aad naar ku gashaa waa dhibaato aad u fara badan.
Dadka walaalahaya ah waxaan ugu naseexaynayaa in aanay arrimaha noocaas oo kale ah fududaysan. Qofkii Naftiisa dilaa waa Ehlu naar, Naarta jahanama ayuunbuuna naftiisu u sii dadajiyey, sida jumuurta badankoodu isku waafaqsanyihiin.
Arrintu si kastaba ha ahaatee qof in uu naftiisa iska dilo asagoo leh waxaan rajaynayaa in islaamka aan u gargaaro ma ahan wax u furan muslimiintii hore, naftuna wax aad adigu iska leedahay ma ahan oo sida aad rabto ka yeeli karto, ammaana ayay kugu tahay.
Fadlan mawduucan oo dhamaystiran halkan ka sii akhriso: www.alimuse.com/qaraxyada.pdf waxaad u baahantahay ADOBE READER free Download get.adobe.com/uk/reader/ |
|
|